Duruus iyo is-tijaabin


Far soomali (kitaab arag iyo maqal ah)
Haklan waxaad ka heli doontaa cashar ka kooban 8 bog oo lagugu barayo arkhriska iyo qoraalka shaqallada iyo shibaneyasha af-soomaloga.
Guji halkan.
Maxaa la yidhaa ?
Halkan waxaad ka heli doontaa 30 erey oo uu mid walba wato qoraalkiisii, sawirkiisii iyo ku dhawaaqiisii.
Guji halkan si casharka u wareegto.
Kala garashada dhawaaqyada
Ciyaar u dhigan sida shaxda. Waa inaa isku beegto qoraalka iyo dhawaqa.
Qasnad dahab ka buuxo iyaa ku sugeeysee. guji halkan !
Qaybaha jidhka dadka (kitaab arag iyo maqal ah)
Haklan waxaad ka heli doonta cashar ka kooban 5 bog oo lagugu barayo magacyada (iyo qoraalka) qaybaha jidhka dadka oo af-soomali ah. Casharkani wuxuu ku kooban yahay qaybaha jidhka ee debedda ka muuqda.
Guji halkan si casharka u wareegto.
Unugyada jidhka dadka ee dahsoon (sawir ballaadhan)
Haklan waxaad ka heli doonta cashar ka kooban 1 sawir oo ballaadan oo lagugu barayo magacyada (iyo qoraalka) unugyada jidhka dadka intooda dahsoon oo af-soomali ah.
Guji halkan si casharka u wareegto.
Unugyada cunno-mareenka ee dahsoon (sawir ballaadhan)
Haklan waxaad ka heli doonta cashar ka kooban 1 sawir oo ballaadan oo lagugu barayo magacyada (iyo qoraalka) unugyada jidhka dadka ee u gaarka ah cunno-mareenka oo af-soomali ah.
Guji halkan si casharka u wareegto.
Akhriga guud ee goor-sheegta
Halkan waxaad ka heli doontaa 12 bog oo uu mid walba wato qoraalka, sawirka iyo ku dhawaaqa goorsheegta ama saacadda (xilli guug).
Guji halkan si casharka u wareegto.
Akhriga gaar ee goor-sheegta
Halkan waxaad ka heli doontaa 12 bog oo uu mid walba wato qoraalka, sawirka iyo ku dhawaaqa goorsheegta ama saacadda (xilli gaar ah).
Guji halkan si casharka u wareegto.
Kalagarashada ku dhawaaqa goor-sheegta (ciyaar)
Halkan waxa kugu sugaya ciyaar ka kooban 15 wayddiimood oo dhawaaq le.
Guji halkan si ciyaarta u bilawdo.
Qaybaha maalinta
Halkan waxaad ka heli doontaa 11 bog oo uu mid walba wato qoraalka iyo ku dhawaaqa qaybaha ay ka koobanyihiin 24ka sasacood ee maalintu.
Guji halkan si casharka u wareegto.
Tirada (kitaab arag iyo maqal ah)
Halkan waxaad ka heli doontaa 10 bog oo lagugu barayo tirada oo af-soomaali ah. Mid walba wuxuu wataa qoraalka iyo ku dhawaaqa tiroyinka ku jira. Waxa kele oo halkan ku jira is-jitaabin ka kooban 40 weydiimood.
Guji halkan si casharka u wareegto.
Dhiddig iyo labood: dadka (barasho iyo ciyaar)
Waxaad halkan ka heli doontaa ciyaar lagugu barayo amma xusuusinayo dhiddiga iyo laboodka. Qaybtan 1aad, waxay ku saabsan tahay dadka.
Guji halkan si casharka u wareegto.
Dhiddig iyo labood: duunqaarta (barasho iyo ciyaar)
Waxaad halkan ka heli doontaa ciyaar lagugu barayo amma xusuusinayo dhiddiga iyo laboodka. Qaybtan 2aad, waxay ku saabsan tahay duunqaarta (xayawaanka).
Guji halkan si casharka u wareegto.
Erey iyi liddigiisa (barasho iyo ciyaar)
Waxaad halkan ka heli doontaa ciyaar lagugu barayo amma xusuusinayo ereyo caan ah iyo liddiyadooda.
Guji halkan si casharka u wareegto.
Isku qoraal, kala macno ! (kitaab arag iyo maqal ah)
Af-Soomaliga sooca ah, waxa ku jira ereyo tiro le oo isku qoraal ah, dhawaqooguna isku dhoow yahay oo waliba qaakood isku qoraal iyo iska dhawaq yihiin.
Waxa aan halkan ku soo ururinay, qaar ka mid ah ereyadaa e baro amma wax ku biiri.
Ereyada duunqaarta lagu dhaqaajiyo
Soomaalidu, dadka uun maahee, waxay la hadashaa duunqaarta (xoolaha, ugaadha, dugaagga, iwm). Waxan halkan ku soo ururinnay 12 eray oo u dhigma “soco” amma “naga tag” oo lagu yidhaa duunqaarta.
Ku soo dhowoow !
Yeedhin ereyo keli keli ah 1
Halkan waxa ku jira yeedhinta 45 erey oo Soomaali ah oo gooni-gooni ah. App-ku waxa uu kuu ooggolaanaya ugu badnaan 3 jeer in la dhegeysto erey walba.
Guji halkan si aad u tijaabiso
Googgaalaysi
Casharkani wuxuu ka kooban 14 wayddiimood iyo jawaabohoogi. Waxa innoo soo ururiyay Axmed-Nuur Ismaaccil Axmed (wiil yar oo 12 jir ah). Googgaalaysigu wuxuu ahaa qayb hormuud ka ah dhaqanka Soomaalida ka hor intii baraha buulshadu aanay aduunka qabsan.
Ku soo dhowaada.
Googgaalaysi 2
Casharkani wuxuu ka kooban 11 wayddiimood iyo jawaabohoogi. Waxa innoo soo ururiyay Axmed-Nuur Ismaaccil Axmed (wiil yar oo 12 jir ah). Googgaalaysigu wuxuu ahaa qayb hormuud ka ah dhaqanka Soomaalida ka hor intii baraha buulshadu aanay aduunka qabsan.
Ku soo dhowaada.
Googgaalaysi (intixaan)
Intixaankani wuxuu ka kooban 14 wayddiimood iyo jawaabohoogi. Waa intixaan ku saabsan casharkan sare ee googgaalaysiga.
Bal hadda is tijaabi.
Magacyada maalmaha
Soomaalidu intii aanay qaadan magacyada maalmaha ee af-carabiga ah (ee ay hadda ku camal falaan) waxay lahaayeen kuwo iyaga u gaar ah, sida umadaha kele. Halkan ka baro 6 siyaabood oo ay maalmaha u magacaabi jireen.
Magacyada Bilaha
Tirada biluhu waa 12 laakiin Soomaalidu bilaha waxay u tirin jirtay siyaabo kala duwan. Waxan halkan ku soo bandhigaynaa mid ka mid ah oo ku xidhiidhsan wareega dayaxa (halka ay qaar kelena qaateen wareega cadceedda).

Scroll to Top