Mareegtan weebka waxa hindisha, naqshadeeda, horumarinteeda, dayactirkeeda oo maamulkeeda Gacanta ku haya Xasan Aadan oo ka tersan HA Learning Tech. Waxaa loo abuuray in la baro, lagu taageero oo kor loogu qaado afka Soomaaliga carruurta qurba-joogta Soomaaliyeed ee ku nool adduunyada daafeeheeda.
Waxa ku jira waxa lagu fasameeya tignoolajiyada casriga ah qayteeda wax-barashda ee u dambaysay. Sidaa darteed waxa isku lifaaqan: dhexgal, dhawaaq, iyo sawirada gigan ama dhaqaaqa le. Waxaan isticmaalnaa, inta badan, tignoolajiyada furan. Taas macnaheedu waa wax walba ood aad aragto ama maqasho waxaa sameeyay software si xor ah oo bilaa lacag ah loo heli karo !
Hadda, waxaan si firfircoon uga shaqeyneynaa naqshadeynta iyo horumarinta waxyaabaha si aan u barno aasaaska luqadda Soomaaliga iyo qoralka iyo weliba arhrigiisa, carruurta yaryar. Isdexgalka (interface) waa Soomaali iyo Ingiriis. Laakiin waxaan ku talo-jirra inaan ku darno Carabi iyo Faransiis haddii aan helno tabaruceyaal tarjumaadda lagama maarmaan ah naga tageera.
Hawsha aan faraha la gallay waa mid aad u culus, laakiin loo baahanyahay, mana aha in la nagu daawado kelidayo dhamaystirkeeda. Taasi waa sababta aan u raadineyno macalimiin ama abwaanno ama dad caadi ah oo af-soomaaliga aqoon u leh si ay ula yimaadaan fikrado iyo nuxur.
Fadlan nala soo xidhiidh si aad wax ugu biirsato mashruucan.